Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa JFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa Abuukaate Mohamed Hussein Haamud oo safar shaqo ku jooga Mareykanka ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee Washington DC.
Guddoomiyaha ayaa xarunta safaaradda kula kulmay danjiraha safaaradda Mudane Cali Shariif Axmed iyo howl wadeenada safaaradda.
Guddoomiyaha ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan isla markaana kula dardaarmay in lagu dadaalo hufnaanta shaqada.