Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ka qeyb-galay Shir muhiim ah oo ka qabsoomay magaalada Accra-ee Dalka Ghana, shirkaas oo ahaa Madasha 9-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika.
Madashaan oo ah mid sanadle ah ayaa sanadkaan waxaa looga hadlayaa xal u helida cododka ay dhiibtaan cod bixiyayaasha kuwaas oo aan sidii loo baahnaa aan loo calaamadin warqadaha codbixinta, Waxaana halku dhigga Madasha ee sanadkaan ciwaan looga dhigay “All Votes Count.
Shirkaan ayaa socon doona muddo labo cisho ah , waxaana diiradda lagu saari doonaa khibrad wadaag la xariirta sababaha keena warqadaha codbixinta ee xumaada iyo xalka loo baahanyahay si looga hortago.