Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo la kulmayu safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa kulan horudhac ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaliya Marwo Amb: Karin Johansson.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaan ka wada hadalay arrimaha Dorashooyinka iyo qorshayaasha Guddiga Madaxa-Bnanan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Mudane Abdikariim ayaa sheegay in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ka shaqeynayo in dad-weynaha Soomaliyeed aay fursad u helaan in aay doortaan hogaamiyayaasha Heerarka kala duwan ee maamullada Dalka.