Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalda Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Gobolka Baay, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka.

Socdaalka Wafdigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo Hannaanka Dimuqraadiyadeed ee Dalka, gaar ahaan diyaar-garowga Doorashooyinka soo socda,waxana inta uu joogo uu kormeer ku sameyn doonaan Goobaha muhiimka u ah hawlaha Doorashooyinka, si loo hubiyo in ay jirto u diyaargarow buuxa oo la jaanqaadaya qorshayaasha Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.