Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan   oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlaha ku aadan ditaargarowga iyo qabanqaabada doorashooyin madax bannaan oo ja dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ay safar shaqo ay ku soo kala bixiyeen inta badan deegaanada iyo degmooyinka dalka,isla markaana  ay dadku diyaar u yihiin hirgalinta iyo qabsoomidda hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah.

“Bisha Juun ee sanadkaan waxaan qaban doonaa doorashooyinka golaha deegaanka, waxaana ka qaban doonaa koonfurta iyo bartamaha dalka.”ayii yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan