Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug oo daahfuray tababar

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda-Goboleedka Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur Dhagaweyne, oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa, ayaa xarunta Golaha ka daahfuray tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wacyiga xildhibaannada cusub ee Golaha.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta fahamka xildhibaannada ee waajibaadkooda sharci-dejineed iyo kor u qaadista awooddooda shaqo, si ay si hufan ugu gutaan masuuliyadda loo igmaday, ugana qayb qaataan horumarinta Golaha Wakiillada iyo matalaadda bulshada Galmudug.

FB_IMG_1793002991550.jpgFB_IMG_1793002984807.jpgFB_IMG_1793002982281.jpg