Xaflad lagu maamuusayey howlwadeennadii iyo dhallinyaradii ka qayb qaatay ololihii doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladda waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, dhallinyaro gabdho iyo wiilal isugu jira oo si weyn uga qeyb qaatay ololihii doorashada Guddoomiyaha, iyo fannaaniinta.
Ujeeddada xafladda ayaa ahayd in lagu muujiyo mahadcelin iyo bogaadin loo jeedinayo howlwadeennadii, dhallinyaradii iyo dhammaan intii kale ee kaalinta ka qaadatay ololihii doorashada, iyagoo waqtigooda, dadaalkooda iyo kartidooda u huray sidii uu Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ugu guuleysan lahaa doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xafladda, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey dhallinyaradii iyo howlwadeennadii ka qeyb qaatay ololihiisa doorashada, isagoo ku bogaadiyey dadaalkii, isku-duubnidii iyo taageeradii ay muujiyeen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in guusha doorashadiisu ay tahay mid ka dhalatay dadaal iyo wadajir, isagoo xusay in kaalinta dhallinyaradu ay tahay mid muhiim u ah horumarka dalka iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay.





