Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u Hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda xuska Sanad-guuradii 82-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, dableyda iyo guud ahaan bahda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin sugidda amniga, dhowrista sharciga, ilaalinta kala dambeynta bulshada iyo xaqiijinta nabadgelyada guud ee dalka, isagoo xusay in doorka ay booliisku ku leeyihiin dhismaha dowladnimo casri ah iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta uu yahay mid lama huraan ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka joogtada ah ee ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u galaan sugidda amniga, xasiloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dhammaan halyeeyadii ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda ku waayey gudashada waajibaadkooda qaran, isagoo Alle uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, kana siiyo samir iyo iimaan qoysaskooda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka uu mar walba garab taaganyahay horumarinta, tayeynta iyo taageeridda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, loona xoojiyo kalsoonida ka dhaxeysa ciidanka iyo shacabka.