Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka 17-aad ee Guddiga Joogtada ah, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo furay kulanka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha muhiimka ah iyo shuruucda hortaalla Golaha Kal-fadhiga 7-aad, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta ka shaqeynta shuruucdaasi si loo xaqiijiyo waajibaadka horyaala Golaha.
Intaas kaddib, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa dhageystay warbixinno ay soo jeediyeen guddoomiyeyaasha ama xubnaha ka socday guddiyada kala duwan, kuwaas oo ku saabsanaa shuruucda ay guddiyadu gacanta ku haayaan, habraacyada u harsan, iyo waqtiga la filayo in shuruucdaasi la horgeeyo Golaweynaha.
Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa ajandeyn iyo jadwaleyn ku sameeyey fadhiyada Isbuuca 13-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


