Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay qorshaha doorashada xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa ka dooday qaabka ay u dhaceyso doorashada xubnaha sagaalka xubnood ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika xiliga ay dhaceyso.
Dhinaca kale, kulanka Guddiga Joogtada ayaa looga hadlay ajendeynta kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda iyo sida ay horutebinta u kala leeyihiin, waxaana guddoomiyaasha guddiyada Golaha kulanka la wadaageen warbixinta shuruucda ay hayaan iyo habraacyada u dhiman.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada kula dardaarmay dardareglinta shaqqda guddiga iyo in ay muhiimadda siiyaan shuruucda horutebinta u leh dowladnimadda.