Guddoomiyaha golaha shacabka oo sheegay in dowladdu ay ka go’antahay kor u qaadista tacliinta

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in ay dowladdu ka go’an tahay sare u qaadidda tacliinta dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaflad ay ka qalin beddelanayeen arday ka baxday Jaamacadaha Green Hope University iyo Kesmonds University oo ay bahwadaag yihiin ayaa intaa ku daray in ay dowladdu tayayn doonto waxbarshada, laguna baahin doono guud ahaan dalka.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa bahda waxbarashada kula dardaarmay  in ay caawiyaan waaliddiinta aanan awoodin waxbarashada carruurtooda, si ubadka Soomaaliyeed ay waxbarasho u helaan.