Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay siyaasiga iyo diblomaasi hore Qaasim Axmed Nuur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa qaabilay siyaasiga iyo diblomaasi hore, Qaasim Axmed Nuur, oo dalka ku soo laabtay kaddib 35 sano oo uu dibadda ku maqnaa.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, iyo arrimaha la xiriira horumarka dalka, amniga iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo horumarka qaranka.

 

Qaasim Axmed Nuur ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarka dalka, gaar ahaan horumarinta ka socota Gobolka Banaadir iyo magaalooyinka waaweyn.