Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Máthé, waxaana Kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray horumarinta Iskaashiga Golaha Shacabka iyo Hay’adaha Sharci-dejinta ee Midowga Yurub, si loo xoojiyo awoodda Golaha, loona ballaariyo isdhaafsiga Aqoonta iyo Khibradaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu Soomaaliya ka siiyo dhinacyada Amniga iyo Dowlad-dhiska, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Iskaashiga Labada dhinac.

