Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday xarunta Hay’adda Caalamiga ee Tamarta Atomic-ga (IAEA)oo fadhigeedu yahay magalada Vienna dalka Austria.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xarunta hay’adda waxaa ku soo dhoweeyay Agaasimaha guud ee hay’adda Rafael Grossi oo guddoomiye sheekh Aadan Madoobe faah faahin ka siiyey waxyaabaha hay’adan ay qabato iyo muhiimada ay leedahay ka mid noqoshadeeda oo ay ka mid yihiin nadaafada biyaha,la socodka dhaqdhaqaaqa hubka halista ah,maalgalinta iyo taageerrada hay’adaha ku shaqada leh arimahaas.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ammaanay doorka hay’addan ka qaadan karto ilaalinta biyaha nadiifka ah berriga iyo badda intaba iyo sidoo kale la socodka hubka halista ah ee nuclear-ka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ka mid noqoto dalalka ka faa’ideysta hay’addan,waxaana hay’adan xubin ka ah 175-dal oo caalamka ka mid ah.