Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan mira-dhal ah kula qaatay safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.
Guddoomiyaha iyo Safiirka Qatar ayaa ka hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan ku dhisan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay u fidiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerada ay ka geysanayso ilaalinta midnimada Qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka ah ee ay ka hirgelisay dalka, kuwaas oo door muuqda ka qaadanaya horumarinta adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalka.








