Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah Wasiirrada magacaaban

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa ku qaabbiley Wasiirrada magacaaban ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo kasoo jeeda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Guddoomiyaha ayaa xubnahan wasiirrada ugu hambalyeeyay mus’uuliyadda loo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu alle u fududeeyo howlaha adag ee sugaya.

Guddoomiyaha ayaa Wasiirrada kula dardaarmay in ay si daacadnimada ah oo ay wadaniyad ku dheehantahay ugu adeegaan dalka iyo dadka.