Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka socday Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, oo laf-dhabar u ah ilaalinta diinta, sharafta, dhaqanka iyo qiyamka Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa culimada ka dhagaystay talooyin iyo tusaalooyin muhiim ah oo ku saabsan Hindise-sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed ee horyaala Golaha, isagoo si gaar ah u dhegaystay aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan sharciyada kale ee horyaala Golaha ,oo ay muhiimka u tahay aragtida Culimada in lagu daro.