Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federraalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay  safiirka dalka Imaaraadka Carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi. Danjiraha ayaa u yimid salaan iyo hambalyo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Imaaraadka carabta (UEA) mudane Saqr Ghobasha.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya  Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa bogaadiyay hoggaamintii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee qabashada doorasho xur iyo xalaal ah oo aan keenin buuq siyaasadeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mahad celiyey hambalyada uu danjiraha soo gaarsiiyay, wuxuuna sheegay in la xoojin doono xirirka iskaashi ee labada dal.