Arusha(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania Kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA), Mudane Joseph Ntakirutimana. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga Baarlamaannada iyo isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika ayaa intii uu kulanku socday adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta Baarlamaannadu, si loo taageero Nabadda, Xasilloonida iyo Horumarka waara ee Bulshada Bariga Afrika.
Wada-shaqayntan ayaa fursado gaar ah u abuuri karta Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Dhaqaalaha, Isu-socodka iyo Iskaashiga Gobolka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa kulanka ku wehliyey Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika, Danjire Ilyees Cali Xasan.




