Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefanka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxayna kawada hadleen xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda.
“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS