GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM AXMED NAAJI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehellada iyo bahda fanka ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Axmed Naaji uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in marxuumka ahaa fanaan, abwaan iyo dhaqanyaqaan doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.