Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Booroow

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka ee BJFS Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allaha ha u naxriistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,waxa uuna alla SWT uga baryay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun anigoo ku hadlaya magacayga,kan guddoonka iyo Xildhibaanada golaha shacabka BJFS waxaan kq tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid allaha ha u naxriistee walaalkeen Xildhibaan marxuum Maxamed Mursal Boorow illaahey naxriistiisa jano haka waraabiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska iyo ehelkiisana samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha ha u naxariistee  Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dadkiisa iyo dalkiisa , Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya.

Allaha ha u naxriistee marxuum Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad,sidoo kalena waxa uu xubin ka ahaa baarlamaankii tobanaad.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILLEEHI RAAJICUUN.