Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ehelka, Qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

Guddoomiyuhu wuxuu Marxuumka Alle SWT uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Ehelkiisa, Qaraabadiisa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.