Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay kulan ay ku maamuuseen Safiirada Dowladaha Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qeyb galay kulan ay ku maamuuseen Safiirada Dowladaha Carabta u fadhiya Soomaaliya, uuna soo agaasimay safiirka jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya Danjire Fadl Ali ahmed Saleh.

Kulankan lagu maamuusayey Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu qabtay xarunta safaaradda Yemen ee Magaalada Muqdisho, waxaana Guddoomiyaha ku wehliyey Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , iyadoo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen safiirada Dowladaha carabta u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, isagoo u sheegay inuu ku sugan yahay dalkiisa labaad ee Soomaaliya, wuxuuna ammaanay go’aanka Dowladda Aljeeriya ee dib loogu furayo Safaaraddeeda Muqdisho, isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid ka tarjumeysa xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee ka dhexeeysa labada dal ee walaalaha ah.

Guddoomiyuhu wuxuu rajo ka muujiyay in dalalka kale ee Carabta ee aysan Saffiiro u joogin Soomaaliya ay ku daydaan Aljeeriya si ay u xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho, gaar ahaan iyadoo caasimadda Soomaaliya uu ka jiro horumar dhinaca amniga iyo xasilloonida ah, wuxuuna xusay in arrintaasi ay gacan ka geysan doonto xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo horumarinta iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta.