Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhegax-dhigayey xarunta Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Xarunta Isku-dubbaridka Howlaha Badda iyo goobta Rarista iyo dejinta Gaadiidka Maraakiibta ee xerada Barbaros ee Ciidanka Hawlgalka Badda Turkiga ee Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in markii goobtan loo asteeyay inay noqoto Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Culimada Soomaaliyeed iyo dhammaan madaxda Dowladda loo geystay jaa’ifooyin badan, aflagaaddo iyo been-abuur ku saabsan in goobtan laga dhigi doono hoteello iyo goobo dano gaar ah loo adeegsado, balse maanta runta la joogo oo loo dhagax-dhigayo xarunta Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, sidoo kalena hore loo hirgeliyey xarumo kale oo ay ku hawlgeli doonaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay xarumahan lagu xoojin doono Ilaalinta amniga badaha Soomaaliya iyo Difaaca madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed uga mahadceliyey dardargelinta howshan, wuxuuna Walaalaha Turkiga gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Jamhuuriyadda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta ay ka geysaneyso in ay Soomaaliya yeelato Ciidan Badeed oo cases ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xukuumadda DanQaran ahmiyadda gaarka ah ee ay siinayaan arrimaha badaha.
Soomaaliyeed gaar ahaan dib u dhiska iyo tayaynta ciidanka badda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay inuu kaalintiisa sharci-dejin iyo kor-joogteyn ka qaato howlaha Qaran ee lagu xaqiijinayo Difaaca Badaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in wakhtiga maanta la joogo khataraha ugu waaweyn ee Dowladaha caalamka heysta ay ka yimaadaan badaha, islamarkaana Difaaca badaha soomaaliyeed uu qeyb ka yahay difaaca.
khayraadkeenna dabiiciga ah ee uu Alle nagu mannaystay oo ay ugu horreeyaan shidaalka, kaluumaysiga, macdanta, iyo sidoo kale badqabka gaadiidka iyo badeecadaha badda nagu soo gaara oo ay khatar wayn ku hayaan burcad-badeed, shisheeye cadaw ah iyo argagixiso.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Dhismaha taliskan cusub uu saldhig u yahay Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay Kala saxiixdeen Soomaaliya Iyo Turkiga sanadkii 2024-kii.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Taliska, iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha xaruntan, waxaana sidoo kale munaasabadda ka qeyb galay wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Gaashaandhiga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Turkiga, Taliyaha Ciidanka Turkiga ee howlgalka u jooga Soomaaliya, Culimaa’udiin, saraakiil ka socotay Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidoo kale kooxda fanka ee Hido.



















