uddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Carabta Mudane Sacad Bin Saliib Al-Cutaybi, isagoo u rajeeyey inuu guul iyo horumar ka gaaro gudashada waajibaadka loo doortay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa soo dhoweeyey xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee u dhexeeya Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, si loo horumariyo danaha wadajirka ah iyo xiriirka walaaltinimo ee dalalka Carabta.

