Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Nairobi- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamed Axmeed Nuur Tarsan, ku xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay u hayaan. waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay in dhiira-gelin u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.