Guddoomiyaha golaha shacabka oo booqday magaalada Taariikhiga eeTajorah ee dalka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo weli ku guda jira safar rasmi ah oo uu ku joogo dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta gaaray Magaalada taariikhiga ah ee Tadjourah, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee shacabka Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in soo dhoweynta diiran ee ay maanta u sameeyeen shacabka Magaalada Tadjourah ay ka turjumeyso walaaltinimada qotada dheer, isku duubnida iyo xiriirka soo jireenka ah ee mideeya labada shacab iyo labada dal ee walaalaha ah, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahadceliyey dhiggiisa, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita oo isaga iyo wafdigiisa ku casuumay Magaalada Tadjourah oo ah magaalo xeebeed caan ku ah quruxdeeda dabiiciga ah iyo taariikh fac weyn.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ugu dambeyn mahadnaq gaar ah u jeediyey shacabka Magaalada Tadjourah oo isaga iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey soo dhoweyn heerkeedu aad u sarreeyo, maamuus iyo qadarin walaaltinimo iyo guud ahaan shacabka iyo sidoo kale dowladda Jabuuti.