Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar rasmi ah ku jooga wadanka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta booqday Magaalada Carta oo astaan u ah taariikh, dib-u-heshiisiin iyo walaaltinnimada Shacabka labada dal ee walaalaha ah, taasoo aan ka go’ayn xusuusta iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa magaalada Carta booqday Madxafka Taariikhda oo ay hore xariga uga jareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Taallada Nabadda iyo goobihii ay ka dhaceen dhacdooyinkii muhiimka u ahaa dib-u-dhiska Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, gaar ahaan nabadda, xasilloonida iyo midnimada dalkeenna, wuxuuna si gaar ah, ugu mahadceliyey shacabka reer Carta oo xusuus gaar ah ku leh halgankii dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.













