Guddoomiyaha golaha Shacabka JFS oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka ATMIS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeed, iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo, wufuudda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS, isagoo ku dhiirrageliyay in laga taxadaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan amniga.