Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Hoggaamiye ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax oo Maanta ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, ayaa bogaadiyey Xildhibaannada, Guddoonka Golaha Wakiillada , Musharraxiintii tartamay iyo shacabka Hirshabeelle oo muujiyey Faham Siyaasadeed, xilkasnimo, dulqaad iyo wacyi Bulsho intii ay socdeen Doorashooyinku, taas oo ka tarjumaysa Horumarka Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo xaqiijinta rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ayaa Alle uga baryey Hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle inuu ku guuleysto Mas’uuliyadda loo idmaday, Hirshabeellena u horseedo Nabad, Midnimo iyo Horumar.

