-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada kusoo dhoweeyey Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa magaalada Jowhar uga qeyb geli doona munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.




