Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Algiers kusoo dhoweeyay dhiggiisa Algeria Ibrahim Boughali iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka wadankan oo uu wehliyo safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb geli doona shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda si rasmi ah u furmi doona, halkaas oo uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono muhiimada uu shirkan u leeyahay Soomaaliya, kaas oo sanadkan looga hadli doono arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa inta uu joogo wadanka Algeria waxa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan Algeria oo sanadkan shirka marti gelinaya, asigoo sidoo kale kulammo gaar gaar ah la qaadan doona dhiggiisa baarlamaanadda ee shirka ka qeyb galaya.