Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad kulankiisa 3-aad, waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudanee Cabdullahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Shahaado Sharaf dhiiragelin ah guddoonsiiyey Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Fiyoore oo lagu abaalmariyey howlkarnimo ku aadan gudashada waajibaadkiisa shaqo oo ay ka mid tahay booqashada Deegaan Doorashadiisa iyo sidoo kale Howlwadeeno ka tirsan Golaha Shacabka.
Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana Warbixinta akhrinta koowaad ee hindise Sharciyeedka Xildhibaanada u akhriyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige.
Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Bankiga dhexe ee Soomaaliya Soomaaliya Sharci LR.30 ee soo baxay 20-kii April, Sanadkii 2012.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo Kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga ku shaqada leh Labada hindise Sharciyeed ee Maanta akhrinta koowaad la marsiiyey in ay soo diyaariyaan akhrintooda Labaad, islamarkaana ay Golaha dib ugu soo celiyaan si looga doodo.
Ugu dambeyn, Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka wax ka beddelka qeybtiisa 6-aad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Iibka Qaranka.




