GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalna Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka ku dhaariyay Xildhibaan Cali Maxamuud Maxamed oo bedelay xildhibaan hore Dr. Cali Siciid Fiqi oo noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday jadwalka furitaanka kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale u diyaar garowgiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay Xildhibaanadda Golaha Shacabka in loo diyaar garoobo kalfadhiga todobaad oo ay golaha horyaalaan shuruuc muhiim ah.