Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaaladda Arusha ee Dalka Tanzania kulan kula qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matala Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA), waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii xubnaha Soomaaliya metela ay u xoojin lahaayeen wada-shaqaynta EALA iyo Baarlamaanka Soomaaliya, isku-duwidda arrimaha sharci-dejinta iyo dardargelinta ka-qaybgalka Soomaaliya ee geeddi-socodka isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada inay si hufan oo sharaf leh u matalaan Soomaaliya, kana shaqeeyaan ilaalinta iyo kor u qaadidda sumcadda dalka, bulshada Soomaaliyeed iyo soo bandhigidda horumarka iyo fursadaha ka jira Soomaaliya.