Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Tanzania Mudane Mussa Azzam Zingu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada baarlamaan is-weydaarsiga khibradaha dhinaca sharci-dejinta iyo horumarinta wada-shaqaynta labada dal ee ku aaddan arrimaha danta guud.
Labada Guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Tanzania kor u qaadista iskaashiga diblomaasiyadeed iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo nabadda xasilloonida iyo is-dhexgalka gobolka Bariga Afrika.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, kuwaas oo kulanka kala qayb qaatay wada-hadallada ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.





