Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Jacob M. Oboth.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Uganda ayaa inta uu kulankoodu socday is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga baarlamaannada labada dal, is-weydaarsiga waayo-aragnimada iyo kobcinta aqoonta hay’adeed.
Sidoo kale, waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta baarlamaannada, loona dardargelin lahaa iskaashiga ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee shucuubta gobolka.




