GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KHUDBAD TAARIIKHI AH KA JEEDIYEY GOLAHA QARANKA EE JAMHUURIYADDA JABUUTI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho rasmi ah ku jooga wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyey Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu horreyn isagoo ku hadlaya magaca Soomaaliya khudbadiisa ku bilaabay fariin xambaarsan walaaltinimo, mahadnaq iyo qaddarin qoto dheer oo ku aaddan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ku dhisan dhalasho-wadaag, dhiig-wadaag, af, dhaqan iyo taariikh mideysa labada shacab.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba illoobi doonin taageerada hagar la’aanta ah ee wlaalahooda Jabuuti, gaar ahaan doorkii taariikhiga ahaa ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu ka qaatay dib-u-heshiisiintii Soomaaliya, Shirkii Nabadda ee Carta iyo dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed, iyo sidoo kale sida uu mar walba ugu taaganyahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey kaalinta geesinimada iyo naf-hurnimada leh ee ciidamada Jabuuti (Hiil-walaal) ee nabadeynta iyo la-dagaallanka argagixisada gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Abaalkii Jabuuti ay u gashay Soomaaliya uu yahay mid aan marnaba ka go’eynin qalbiyada dadka Soomaaliyeed, islamarkaana jiilba jiil loo gudbin doono, isagoo adkeeyey muhiimada ay leedahay iskaashiga labada Baarlamaan, is-weydaarsiga khibradaha, horumarinta hay’adaha sharci-dejinta iyo diblomaasiyadda baarlamaaniga ah,wuxuuna khudbadiisa kusoo gaba gabeeyey in labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah, mataano ah, islamarkaana dhiig, dhalasho iyo taariikh wadaaga.