GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO QASRIGA MADAXTOOYADA JABUUTI KULA KULMAY MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti (Palais Présidentiel) kula kulmay Madaxweynaha wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ah laba dal oo ay mideeyaan dhalasho-wadaag, af, dhaqan iyo taariikh soo jireen ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa tilmaamay in xiriirka laba dal ee walaalaha ah uusan ku koobneyn keliya xiriir diblomaasiyadeed balse uu salka ku haayo walaaltinimada qotodheer ee labada shacab iyo masiir-wadaagga ka sarreeya xuduudaha siyaasadeed, islamarkaana xiriirkaas soo jireenka uu saldhig adag u yahay nabadda, xasilloonida iyo horumarka labada dal.