Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo mudnaanta siinaya xoojinta wada shaqeynta ku dhisan isfaham, daahfurnaan iyo dhowrista Xorriyadda Saxaafadda ayaa kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta gaarka loo leeyahay, maadaamaa Warbaahintu ay tahay tiir muhiim u tahay isku xirka Golaha Shacabka iyo Bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey xoojinta xiriirka Golaha Shacabka iyo Warbaahinta, ilaalinta Madaxbannaanida Saxaafadda, u adeegidda danaha Qaranka iyo Bulshada Soomaaliyeed, gudbinta xog sugan, ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo kor u qaadista wacyiga Bulshada.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Warbaahinta xorta ah oo samaysa dabagal iyo dhaliil wax dhisaysa ay door weyn ka qaadato Horumarka Dalka, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku booriyey Madaxda Warbaahinta inay kaalintooda ka qaataan ka hortagga faafinta wararka been-abuurka ah iyo dacaayadaha u adeegaya Khawaarijta, cadowga iyo cid kasta oo wadda qorshayaal ka dhan ah Dalka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.

