Muqdisho,(Wargeyska Dalka):Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Xalay Kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah ku maamuusay Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17-ka Sano, kuwaas oo guul Taariikhi ah ka soo hooyay Tartanka CECAFA U-17 ee Dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal mahadnaq iyo dhiirigelin ah u jeediyey Ciyaartoydan da’yarta ah ayaa u sheegay in ay yihiin halyeeyo da’yar, Qarankooda usoo hooyey Sharaf iyo Sumcad, sidoo kalena ay dhigeen Taariikh Dahabi ah oo ay ku faani karaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana Garoomada ku muujiyeen karti, Geesinimo, isku duubni iyo jacaylka ay u qabaan Calanka Buluugga ah.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Rajo wanaagsan ka muujiyey in Ciyaartoydan ay mustaqbalka guulo waaweyn ka gaaraan Tartamada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo heer Caalami, isla markaana ay Magaca Soomaaliya ka dhex iftiimin doonaan Fagaarayaasha Kubadda Cagta.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Shirkadaha waaweyn iyo Ganacsatada awoodda Dhaqaale leh ku boorriyey inay Maalgashi dhab ah ku sameeyaan Ciyaaraha Dalka, si loo horumariyo tayada Kooxaha Dalka, loo kobciyo hibada Dhallinyarada, loona dhiso mustaqbal Ciyaareed oo wanaagsan.
Kulanka sidoo kale, waxaa ka qeyb galay Habdhowre Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Wasiiro uu ka mid yahay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano, Mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Mas’uuliyiin kale.





