Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhaqaweyne), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan (Haraad), oo loo doortay hoggaaminta Golaha Wakiillada 3-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddoomiyaha ayaa Guddoonka cusub u rajeeyey inuu Alle ku garab galo gudashada waajibaadka loo idmaday, isaga oo ku boorriyey inay mudnaan siiyaan xoojinta Hay’adaha Sharci-dejinta, wadajirka Bulshada, Nabadda iyo horumarka Galmudug.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Goleyaasha Sharci-dejinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo horumariyo Dowladnimada iyo danaha guud ee Shacabka Soomaaliyeed.

