Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira wasiiro Iyo xildhibaano ayaa soo gaaray magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana wafdiga Guddoomiyaha garoonka diyaaradaha ee Xudur ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladda Xudur.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa inta uu ku suganyahay Magaaladda Xudur waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka Gobolka Bakool, kan magaaladda Xudur, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka.