Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo daah-furay shirka 6-aad ee Garsoorka dalka

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta daah-furay shirka 6-aad ee Garsoorka,oo ay qeybgalayaan dhamaan bahda Garsoorka dalka.

Waxaa sidoo kale furitaanka shirka ka qeeyb galay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa looga hadlayaa dowlad wanaaga iyo ciribtirka Musuq-maasuqa,iyadoo oo mudda labada cisha ee uu socda looga doodi doono hormarada iyo caqabadaha ku gadaaman laamaha caddaalada dalka

Guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS ahna ku simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay Garsoorka uu ahmiyad weyn u leeyahay dalka,isagoo sheegay in Bisha febaraayo xildhibaanada ay billaabi doonaa ka doodista dastuurka dalka.

” Bisha Febaraayo waxaan bilaabi doona in Dastuurka Qodob Qodob loo guda galo “Guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo shirka ka qeybgalay ayaa sheegay in Dastuurka oo muhiim u yahay jiritaanka ummadeed.

” Garsoorka waxaa uu muhim u yahay Jiritaanka ummaddeed iyo nidaamka dowladnimadda “Guddoomiyaha Maxkamadda sar

Shirkaan oo socon doono mudda laba cisho aha ayaa waxaa ka qeybgali doono bahada Garsoorka Kaaliyaasha maxakamdaha heer fadaraal iyo mid dowlad goboleed iyada uu inta uu socoda lagu falaqeyn doono hormarada iyo caqabada ku gadaaman laamaha caddaalad dalka.