Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa guddoomiyaha guddoonsiiyay shahaadada ka dib markii uu buuxiyay dhamaan shuruudihii musharaxnimo ee looga baahnaa.
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa mar kale u tartamaya kursiga sumadiisu tahay HOP182 ee Golaha Shacabka.