Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Ayaa Qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareenta Musiibooyink Qaranka M axamuud Macalin Cabdulle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ku saabsan xaalada guud ahaan degaannada ay fatahaadaha iyo daadadka roobabku saameeyeen ka dhageystay guddoomiyaha Hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyaha kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha hay’ada SODMA in dadka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo si hufan, isla-markaana ay laba jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isku gurmado oo la gacan qabto dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.