Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, kulankoodi waxaa uu ku sabsanaa adkeynta iyo soo celinta xiriirka walaltinimo ee labada dal.
Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa xusay dowladoodi in ay diyaar u tahay Golaha shacabka JFS ay kala shaqeyn doonaan tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha.
Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka carabta u heyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xiriirka Baarlamaanka JFS iyo kan Imaaraadka carabta.