Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda koleyga ee Wiish Stadium kaga qeyb galay cayaarta kama dambeyska ah ee Tartanka Kubadda Koleyga General Daa’uud, oo ay isaga horyimaadeen kooxaha Heegan iyo Dekadaha.
Ciyaar xiiso iyo tartan adag lahayd oo ay daawanayeen mas’uuliyiin iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn guushu raacday kooxda Dekadaha, oo ku guuleysatay tartanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa labada kooxood ku ammaanay ciyaartii wanaagsaneyd iyo dadaalka ay muujiyeen, isagoo hambalyo u diray kooxda Dekadaha, sidoo kalena bogaadiyey kooxda Heegan oo kaalinta labaad gashay, waxaana uu sidoo kale xusay muhiimadda isboortiga u leeyahay bulshada, gaar ahaan xoojinta isdhexgalka bulshada, nabadda, wadajirka iyo wacyigelinta dhalinyarada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ugu dambeyn koobka guddoonsiiyey kooxda kubadda koleyga ee Dekadaha, isagoo sidoo kale bilado guddoonsiiyey cayaartoyda labada kooxood ee Dekadaha iyo Heegan.
Garoonka waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, saraakiil, bahda cayaaraha qeybahooda kala duwan iyo sidoo kale dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir oo cayaarta usoo daawasho tagay.






