Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo xariga ka jaray Kawaanka Hilibka dharkeenley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Kawaanka Hilibka Suuqa Dhamme Yaasiin Cartan ee Degmada Dharkeenley.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dib-u-dhiska lagu sameeyay Kawaanka uu qeyb ka yahay Qorshaha lagu horumarinaayo suuq-yada iyo Ganacsiga Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Yuusuf Maxamuud Cali, masuuliyiin ka socday hay’adda FAO oo ka qeyb qaatay dhismaha kawaanka, Agaasimaha waaxda Suuqyada Dowladda Hoose ee Xamar iyo qeybaha kala gedisan bulshada Degmada Dharkeenley.